Magaalada Gabiley ayaa martigelisay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Jamciyadda Hiil Qur’aan ee magaalooyinka Gabiley iyo Boorama. Kulankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac isla markaana lagu dardargelinayo hawlaha shaqo ee la xidhiidha dayactirka iyo daryeelka Qur’aanka Kariimka ah.
Kulanka waxa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda Qur’aannada ku jira masaajidda, dugsiyada iyo xarumaha waxbarasho ee gobollada, gaar ahaan baahida loo qabo in la dayactiro Qur’aannada duugoobay ama waxyeelloobay. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa hannaan joogto ah oo lagu ilaaliyo Qur’aanka, looguna fidin lahaa deegaanada u baahan.
Mas’uuliyiinta Jamciyadda Hiil Qur’aan ayaa tilmaamay in hawshan ay tahay mid u baahan wadajir, kaalin muuqata oo ay bulshada iyo culimadu ka qaataan, isla markaana ay tahay masuuliyad diini ah oo wada saaran ummadda Muslimiinta ah.
Ugu dambayn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad la xidhiidha in la sii xoojiyo wada-shaqaynta Jamciyadda Hiil Qur’aan ee Gabiley iyo Boorama, lana dardargeliyo hawlaha dayactirka Qur’aanka si loo gaadhsiiyo dhammaan goobaha u baahan.



