Ku soo dhowaada website-keenna, oo ah goob u taagan adeegga iyo daryeelka Kutubta Qur’aanka Kariimka ah. Waxaan nahay team si wadajir ah uga shaqeeya dayactirka, jaldiyeynta, iyo ururinta kutubta Qur’aanka Kariimka ah. Sidoo kale waxaan dadaal gaar ah u galnaa caawinta dadka danyarta ah iyo kuwa agoonta ah, annaga oo u soo bandhigeyna walaalaha muxsiniinta si ay uga qayb qaataan garab istaagga iyo taageerada dadkaas baahan. Himiladeennu waa isku xirka kheyrka, adeegga bulshada, iyo ilaalinta kutubta diinta si loo helo bulsho isku naxariis badan oo is garab taagta.
Ujeedkeennu waa inaan dib u cusboonaysiinno kutubta gaboobay ama dhaawacantay, una ilaalinno si sharaf iyo xushmad leh, maadaama Qur’aanka Kariimka ahi uu leeyahay karaamo iyo qadarin gaar ah. Waxaan dadaal badan gelinnaa hagaajinta bogagga dhaawacmay, jaldiyeynta cusub, iyo habeynta kutubta si ay bulshada uga faa’iideysato muddo dheer.
Team-keennu wuxuu ka kooban yahay dad leh khibrad iyo dadaal joogto ah, kuwaas oo si qalbi furan ugu adeegaya bulshada. Waxaan mar walba ku dadaalnaa tayo, nadaafad iyo habeyn wanaagsan si kutubtu ugu sii jiraan muuqaal qurux badan oo waara.
Mahadsanidiin booqashada aad noo soo booqateen. Waxaan rajeyneynaa inaan idiin soo bandhigno adeeg hufan sidoo kle waa inaan bulshada gaarsiino warar sax ah oo degdeg ah iyo waxqabad wanaagsan oo aad ku kalsoonaan kartaan.
wixii macliimada ee dheerada waxad nagala soo xiriiri kartaa numberada website ku jira qaybta Contact